Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, garabka Axmed Madoobe ayaa ku gacan seyray Dalab uga yimid Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swam iyo Beesha caalamka oo ku saabsanaa in wax weyn laga bedelo qaabka Doorashada ku socoto.
Guddiga oo iska dhega tiray digniintii Wakiilka Q/Midoobay oo ku hadlayey Magaca wakiilada Beesha Caalamka ayaa jawaab uu kasoo saaray qoraalkii xalay ee UN-ka ku sheegay inaan dib loo dhigi doonin Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee qorsheysan inay dhacdo 22-ka Bishan Ogost, isla markaana ay sameeyeen wixii karaankooda ahaa ayna mar kale fureen diiwangelinta musharixiinta xilka Madaxweynaha.
Guddiga Doorashada Jubbaland waxay qoraalkooa jawaabta ah ee ay u direen Wakiilka Q/Midoobay iyo Beesha caalamka ku sheegeen in doorashada ay mareyso heerkii ugu danbeeyay oo aan dib loo dhigi doonin.
Wakiilka Q/Midoobay ayaa qoraalkiisii ugu dambeeyay uga digay haddii aan xal loo helin cabashada ka taagan dhinacyada ay quseyso doorashada oo nidaamka aan laga dhigin mid lagu qanci karo oo loo dhan yahay ay taasi keeni doonto inaan la aqoonsan wixii natiijo ah ee ka yimaada, waxayna ka digeen in qalalaase ka dhasho maamulka Jubbaland.
Axmed madoobe ayaa u muuqda inay maalmo ka xigto markii saddexaad in lagu dhawaaqo in dib loo doortay, iyadoo dhammaan guddoonkii Baarlamaanka shalay dib loogu doortay Kismaayo, taasoo ka dhigan in Jubbaland ay yeelan doonto laba madaxweyne bishan gudaheed, haddii aanu isbedel lama filaan imaan.

