Guddiga Doorashada madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa bilaabay qabashada araajida musharaxa u taagan xilkaasi.
Guddigan oo shalay la magcaaabay ayaa sheegay inay bilaabeen qabashada codsiyada musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle u tartamaya, iyadoo si degdeg loo guda geli doono doorashada.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Sheekh Abuukar Xasan Cali (Maqaney) ayaa sheegay in guddigu bilaabay shaqadiisa, sida ugu dhaqsiyaha badanna ay u qabanayaan doorashada, iyadoo waqtiga haray laga faa’iideysanayo.
Musharixiinta xilkan u tartami kara ayaa ka imaanaya oo kaliya beesha Xawaadle, waxaana soo baxay musharixiin fara badan oo ay kala wataan dowladda Federaalka siyaasiyiin kala duwan.
Wadani