Xubnaha Guddiga maamulaya doorashada maamulka Puntland oo ka kooban 11 xubmood ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay Guddoomiye iyo ku xigeen.
Guddigan oo ku shiray Hotelka Peace 1 ee ku dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulanjooda soo xaadiray dhammaan 11-ka xubnood ee uu ka kooban yahay, waxaana xilka Gudoomiyaha waxa isku soo sharaxay hal musharax oo aanay jirin cid la tartantay.
Xubnaha Guddiga Doorashada Puntalnd ayaa C/kariim Muuse Maxamed ayaa codadkii oo dhan ee Gudiga ku guuleystay, waxaana uu helay 11-kii Cod oo loogu soo xulay xilka.
Xilka gudoomiye ku xigeenka waxa isku sharaxay: Caynaanshe Yuusuf Xuseen, iyadoo sidoo kale aanay cidna kula tartamin jagaadan, wuxuuna helay 11 Cod.
Tartan la’aan ayaa Gudoomiyaha Guddiga Maamulka doorasha ee Heer Dowlad goboleed ee Puntland loo doortay C/kariim muse Maxamed, iyo guddoomiye ku xigeenka Caynaanshe Yuusuf.
