Guddigii Dowlada Soomaaliya u xilsaartay inay baaraan Dhacdadii Bariire ayaa maanta gaaray deegaankaasi.
Wasiirka amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo hoggaaminaya gudigan ayaa goobtii uu weerarku ka dhacay u diray saraakiil baarayaaal ah oo soo hubiya wixii dhacay.
Saraakiisha dembi baarayaasha ah ayaa warbixin ku soo celin doona Gudiga dowladda u xil saartay dhacdadii Jimcihii ka dhacday Deegaanka Bariire, waxayna wareysiyo la yeelan doonaan dadka deegaanka si ay u ogaadaan xaqiiqda.
“Ujeedada gudiga waa in ay ka keenaan xog dhab ah dhacdadii deegaanka ka dhacday, waxay la soo kulmi doonaan dadka deegaanka si ay u soo ogaadaan sida wax u dhaceen, sababta naloo xilsaaray waa inaan keenaa xaqiiqda”
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddigan magacawday 26-da bishaan, waxaana loo qabtay mudo shan maalmood inay ku soo ogaadaan sida wax u dhaceen, waxaana u haray sedex maalin oo maanta ay ku jirto.