Monday, May 12, 2025

Khilaaf culus & Gacan-hadal ka dhashay Ergada shirka Cadaado iyo Guddiga Farsamada

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ee uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa sheegaya in uu buuq weyn ka dhashay qeybinta Dastuurka KMG ah ee loo sameynayo Maamulkaasi iyo qodobada laga doodayo kadib markii guddiga farsamada shirka ay ergada u sheegeen inaan laga doodeynin wixii la soo dhaafay oo ay ka mid yihiin:

Dagaal

= Magaca maamulka

Ad

= Laba gobol mise Gobol iyo Bar

= Calanka

=Caasimadda maamulka

- Advertisement -

= Tirada baarlamaanka maamulka Gobolada dhexe

Gacan ka hadal ka dhashay su’aalo ergada qaarkeed weydiin rabeen Guddoomiyaha guddiga Farsamada ayaa keentay in kuraas iyo computero la isku garaaco waxaana soo fara geliyay ciidamada Itoobiya oo meesha ka kaxeeyay haweeneyda guddoomiyaha ka ah guddiga farsamada oo halis ku gashay in gacan loola tago.

Ergooyinka  shirka ayaa si weyn uga biyo diiday go’aankii Guddiga farsamada ee shirka oo ay ku sheegeen inay tahay caburin iyo in afduub loo geysanayo rabitaankooda, waxayna ku hanjabeen in guddiga farsamada ay kala eryi doonaan iyagoo eedeyn kulul u jeediyay Guddoomiyaha  Guddiga farsamada Xaliimo Yarey. Qaar kamida ergada ayaa ku doodaya in ergo been abuur ah la xareeyay oo laga tegay ergadii beelahooda ee saxda ahayd.

Ergooyinka shirka waxay ku doodeen inay xaq u leeyihiin ka doodista maamulka Gobolada dhexe lo dhisayo iyo guud ahaan wixii khuseeya, iyadoo aysan jirin cid ka hor istaagi karta. Arrintan ayaa mar kale isku dhac ka dhex dhalisay ergada shirka iyo guddiga farsamada oo awood ka heysta dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Dhageyso Warbixinta Radio Kulmiye

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON