Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka iyo wakiilada Beesha caalamka ayaa kulan ay yeesheen maanta ku dhamaaday khilaaf adag.
Kulanka ayaa la sheegay in wakiilada beesha caalamka ay daba joogeen 11 kursi oo Guddiga khilaaafaadka ay laaleen, waxaana la sheegay in Wakiilada Beesha caalamka ay su’aal ka keeneen xubno kale oo Guddigu ka reebay liiska la laalay.
Liiska kuraasta la isku hayo ayaa markii hore tiradoodu ahayd 24, waxaana dhacday in Guddigu ka reebo 13 kursi oo la sheegay inay ku soo baxeen siyaasiyiin caan ah, waxaana jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Guddiga ay musuq ku kaceen.
Qoraal uu ku saxiixnaa Wakiilka Q/Midoobay Micheal Keating oo ka soo baxay Wakiilada Beesha caalamka ayaa Guddiga Khilaafaadka looga dalbaday faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan 11-ka xubnood ee kuraastooda la laalay iyo qaabka loo maray in 24 -kii kursi la kala reebo.
Arrintan ayaa keentay in Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka isku difaaco in 11-kursi ay kama dambeys ka gaareen go’aano, halk ay isku raaci waayeen kuraasta kale, laakiin waxaa laga dalbaday in kursi kasta oo ka mida 11-ka ee la laalay iyo 13 kale ay ka keenaan caddeymo ku saabsan sababta loo laalay ama looga tegay.
Ma cadda sida ay ku dhammaan doono arrinta kuraasta la isku haysto, waxaase muuqata in xaaladdu ka soo dartay.
Wadani.com