Afhayeenka Gudiga Kormeerka Xajka iyo Xubnaha Gudigda ayaa Beeniyay Qoraal uu Maanta Baraha Bulshada ku baahiyay guddoomiyaha Guddiga Sheekh Cali Wajiis oo ah Gudoomiyaha Gudigan oo qoraal uu soo saaray uga hadlay halis uu galay xajka iyo caqabad uga timid Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Somalia [Akhriso]
“Waxaa ayaandarro ah in Sheekh Cali Wajiis oo ahaa guddoomiyihii Guddiga uu barta FB ku soo qoray war aysan waxba kala socon xubnaha kale ee Guddiga..” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga oo lagu beeniyay warkii Sheekh Cali Wajiis, waxaana qodobadii ay ku difaaceen Wasaaradda Diinta & Awqaafta Xukuumadda Somalia ugu muhiimsanaa:.
1- Xajka Somalia wuxuu marayaa waqtigii ugu wanaagsanaa, waxaana si 100% lasoo wareegtay dowaldda Somalia.
2- Adeegga Xajka waxaa qabanaya 58 xamlo oo ka kooban dhammaan qeybaha dalka Soomaaliya oo dhan.
3- Shaqada maamulka Xajka waxaa mas’uul ka ah Wasaaradda Arrimaha diinta iyo Awqaafta oo wakiilata bicsada ama xafiiska arrimaha xajka oo leh xubno loo magacaabay
4- Waxaan caddeynayaa inaysan jirin meel ay wasaaraddu caqabad ku gelisay arrimaha xajka ee socda, si hufnaan ah u fulisay howlaha qabsoomay.
5- Waxaan qireynaa inaysan Wasaaradu qaadin wax lacag ah, aysanna heynin, waxaana lacagta khidmada xajka iyo lacagaha kale qaaday Guddiga.
6- Ma jirto lacag 20 Milyan ah oo ay wasaaraddu maamuleyso, waxaa lacagahaasi maamulaha xamlooyinka xajka.