Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ( SEIT) ayaa shaaciyey Doorashada 16-ka kursi ee loo wareejiyey degmada Ceelwaaq.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu yiri: “Guddiga SEIT Jubbalnd isagoo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay GHDHF/56/2022 kana soo baxday guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal FEIT kuna taariikhaysnayd 13/04/2022 ayna ku cayimeen goob doorashada 2-aad ee Jubbaland waxay guddiga SEIT Jubbaland halkan ku shaacinayaan jadwalka doorashada 16-ka kursi oo lagu qabanayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo”.
Guddiga ayaa sheegay in Doorashada 16-ka Kursi ka dhaceyso Ceelwaaq 18 ilaa 24- April 2022, iyadoo aan la faahfaahin kuraasta iyo sida loo kala qabanayo Doorashadooda.

