Wafdiga Wasiirada Arrimaha Dibadda dowlad Goboleedyada ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo.
Wafdigan oo ay ka maqan tahay Jubbaland ayaa ka kooban wasiirada arrimaha dibadda Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed, waxaana socdaalkoodu la xiriiraa dib u heshiisiin lag sameynayo Garbahaarey iyo maamul loo dhisayo magaaladaasi, kaasoo uu soo magacaabayo maamulka Jubbaland.
Wafdiga Wasiirada waxaa Garoonka magaalada Garbahaarey kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee hoostaga dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta Gobolka Gedo, waxayna shirar la bilaabeen waxgarada iyo maamulka Gobolka Gedo.
Kulankii ugu horeeyay ayaa la sheegay inay wasiirada la yeesheen Ugaaska Beesha Degaanka Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi, iyagoo ka wadahadlaya xaaladda Doorashada iyo arrimaha ay u socdaan.
Dhowaan waxaa magaalada Garbahaarey booqday Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxaana la sheegay in maamulka Gobolka Gedo uu diiday inuu wax xiriir ah la yeesho maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo.
Odayaasha taageersan maamulka Gobolka Gedo ayaa hore u diyaariyey liiska afar xubnood oo u sharxan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka magaalada Garbahaarey.

