Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada oo soo saaray war ka naxsaday xildhibaano la doortay [War-saxaafadeed]

    Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada oo soo saaray war ka naxsaday xildhibaano la doortay [War-saxaafadeed]

    November 13, 2016Updated:November 13, 20163 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    GUDDIGA MADAXA BANAAN EE XALLINTA KHILAAFAADKA DOORASHOOYINKA DADBAN (GMXKHDD)

    gudiga11Guddiga MXKHDD waxaa sharaf u ah inuu shacabka soomaaliyeed la wadaago xaaladaha guud ee doorashooyinka dalka.

    Guddigu wuxuu si aad ah u soo dhaweynayaa boogadinayaana doorashooyinka Baarlamaanka Aqalka Hoose ee JFS ee ka bilowday Dowlad Gobaleedyada dalka taa oo horumar fiican laga gaaray inta badan. sidoo kale waxa uu bogaadinayaa Doorshada Xubnaha Aqalka sare ee Dowlad Gobaleedka HIRSHABEELE.

    Dhinaca kale GMXKHDD waxuu Dareen ka muujinayaa socodsiinta howlaha doorashooyinka kuraasta qaar oo cabashooyin badan ay ka jiraan.

    1. Si loo yareeyo saameynta ay dacwadaha ku yeelanayaan waqtiga gaaban ee doorashada, GMXKHDD waxa uu ku baaqayaa in Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hiregelinta Doorashada Dadban ay gacan ku siiyaan GMXKHDD isla markaana la wadaagaan macluumaadka la xiriira kuraasta loo tartamaayo ee uu Gal-dacwadeed ka furan yahay si loo marsiiyo hannaanka xallinta cabashooyinka isla markaana go’aan deg deg ah laga gaaro.


    2. GMXKHDD waxa uu ku adkeynayaa GFHDD iyo GDGHDD in ay hirgeliyaan go’aankii ay soo saareen Madasha Hoggaanka Qaran ee ku xusnaa warmurityeedkii ku taariikheysnaa 14ka September ee la xiriiray qoondada haweenka “ Qabiilkii leh saddex kursi in uu u asteeyo hal kursi oo ay ku tartamaan Musharrixiin Dumar ah oo kaliya”.


    3. Waxaa ina soo gaaraya xog sheegeysa in Doorashada ka bilaabatay xarumaha qaarkood aan laga tixgelin kuraasta qoondada haweenka. Sidaa awgeed Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban waxa uu xasuusinayaa in Masuuliyadda hubinta qoondada haweenka uu leeyahay Guddiga Heer Federaal.

    Ha yeeshee, GMXKHDD waxa uu dib u eegis ku sameynayaa hirgelinta qoondada haweenka, haddii ay caddaato in qabiilada leh saddex kursi, oo saddexdoodiiba rag ku soo baxeen in natiijooyinka soo baxay ee kuraasta loo codeeyay ku imaan karaan isbadal kadib baaritaanada iyo go’aan gaarista Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban oo leh Awooda iyo go’aanka kama danbeysta ah.


    4. GMXKHDD waxa uu walaac ka muujinayaa xogta sheegeysa in Musharixiin qaarkood ay ergada doorasho ay si toos ah u maamushaan oo ay masuul ka noqdeen dejintooda iyo bixinta tas-hiilaadkooda degaan, sidaa awgeed ay is hor taageen in musharixiinta la tartameysa aysan helin fursad ay kula kulmaan ergada doorsho si ay ugu bandhigaan barnaamijkooda wax qabad.

    GMXKHDD waxa uu walaac ka muujinayaa xogta sheegeysa in Musharixiin qaarkood ay ergada doorasho ay si toos ah u maamushaan oo ay masuul ka noqdeen dejintooda iyo bixinta tas-hiilaadkooda degaan, sidaa awgeed ay is hor taageen in musharixiinta la tartameysa aysan helin fursad ay kula kulmaan ergada doorsho si ay ugu bandhigaan barnaamijkooda waxqabad.


    5. Arrinta kor ku xusan waa musuq maasuq heerkii ugu sareeyey, dacwadaha la xiriirana waxaa laga gaarayaa go’aan noqon kara in dib loogu tartamo kursigaas, isla markaana musharrixii la soo eedeeyayna laga reebaayo tartanka.

    Guddigu waxa uu ka dalbanayaa guddiyada doorashooyin ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed inay ku dadaalaan sidii loo xaqiijin lahaa in doorashooyinku u dhacaan si hufnaan iyo daah furnaan ku jirto.

    Sidoo kale Guddigu waxuu ku boorinayaa dhamaan Guddiyadan inay maanka ku hayaa waajibnimada dastuuriga ah ee ilaalinta xuquuqda mursharraxa codbixyaasha iyo guud ahaan muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

    Guudiiga MXKHDD waxuu u xaqiijinayaa umadda soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan intii cabashoododu soo gaartay in la xalinayo iyadoo la marinayo hannaanka iyo habraacyada xallinta khilaafdka ee guddigan uu ku dhisan yahay, waxaana la xaqiijin doonaa inaan gaarno go’aan cadaaladeed.

    13 November 2016

    DHAMAAD

    Doorashada2016 Guddiga Khilaafaadka Somali Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWiil uu dhalay Xasan Abshir oo isu soo sharxday Xilka madaxweynaha Soomaaliya
    Next Article WAR CUSUB: Dhac hubeysan oo maalinta cad ku soo kordhay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo