Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo xalaaleeyay Kursigii uu kusoo baxay Agaasimaha KMGH ah ee NISA

    Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo xalaaleeyay Kursigii uu kusoo baxay Agaasimaha KMGH ah ee NISA

    December 15, 2021Updated:December 15, 20213 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa go’aan ka gaaray Kursigii uu kusoo baxay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin C/llaahi Farey.

    Qoraal uu soo saaray Guddiga ayaa lagu caddeeyay in Doorashadii Kursiga HOP067 uu ku dhacay si sharci ah, kadib baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen dacwad laga gudbiyay kursiga oo muran weyn k ataagnaa.

    Go’aankan ayaa dad badan u arkaan inuu luminayo kalsoonidii laga qabay inuu yahay guddi dhexdhexaad ah oo kala saari kara murranada ka dhasha doorashada Dadban.

    1- Aybakar Gaab Macalin ivo Maxamed Cade Macalin oo ah reerka uu soo dacwooduhu ku abtirsado.

    Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu sheegay in kursigaas qaabka loo doortay ay dacwad ka keenay Axmed  Cabdikariin Cali iyo Cali Xasan Cali, isla markaana Guddiga uu baaritaanka dacwadda uu sameeyay inta u dhaceeysay 24/11/2021 ilaa 14/12/2021 kaidb markii Axmed Cabdi Kariin Cali uu ku dooday in guddiga doorashooyinka ay u diideen inay diiwaan geliyaan iyo In kuraasta Beesha Wacaysle aan loo qaybin doorashadii 2016-kii qab waafaqsan habkiî Beesha wax u qeybsan jirtay, balse loo qaybiyay qaab ka duwan habkii jufooyinka Beeshu wax u wadaagi jireen, wuxuuna tusaale u soo qaatey in habka wax qaybsiga Beesha Wacaysle uu yahey afar qaybood iyo rubac (4.25) oo ah.:

    2. Marooyin oo ah qaybta haysata kursiga HOP#067 hadana ku tartamay.

    3. Qaybta Cali-gaaf, Jibraa’il ivo Ogaale Cumar oo ah qaybta haysata kursiga HOP#137.

    4.Absuge Cabdiraxmaan Saleyman iyo Dhagaweyne oo ah qeybta haysata kursiga
    Aqalka Sare iyo kursiga Golaha Shacabka ee HOP#064.

    5. Rubac Qayb: oo ah Cabdi Macalin Dhiblaawe.

    Wuxuna ku doodey in qaladka jira uu yahey in hal qayb oo ka mid ah afarta qaybood ay isku qaateen labo kursi oo kala ah kursi Aqalka Sare iyo kursi Golaha shacabka, halka aysan waxba qaadan qaybta Maxamed Cade Macalin iye Aybakar Gaab Macalin_taas oo keentay in ay xaqoodii matalaada ee aybku lahaayeen kuraasta Beesha Wacaysle ku waayeen qaabkii loo qaybiyay Doorashadii 2016di.

    Hayeeshee dacweysanaha asagoo ka jawaabaya eeda loo soo jeediyay ayaa ku dooday in Kursi HOP#067 uu ku qoran yahey Beesha Marooyin sidaa darteedna aysan u tartami karin qof aan Beeshaas aheyn.

    Guddiga Xallinta Khilafanadka Doorashooyinka Dadban waxay Baaritaan ku sameyeen:
    Sooyaalka kursiga HOP#067 si loo hubiyo sugnaanta jawaabta dacwaysanaha (Guddiga Maamulka Doorashooyinka Galmudug) Guddiga wuxuu baaritaan ku sameeyay taariikhda kursigan, ee doorashooyinkii dhacay laga soo bilaabo 2004tii waxaa u soo baxdey in Beesha Marooyin/ Wacaysle ay ku lahaan jireen Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan sida ka muuqata qoraalada rasmiga ah (Documents) ee doorashadii 2016-dii, kaas oo ku matalayay Beesha Marooyin Cadow Cali Axmed lana doortay  sanadkii 2016

    Sidoo kale Guddigu markii ay baareen qoraalada rasmiga ah (Documents) ee kursiga HOP#067 waxaa u cadaatey in qoraaladii kursigaan ee doorashadii 2016-kii uu ku qoran yahey magaca Beesha Marooyin/ Wacaysle.

    3- Waxaa kale oo Guddigu uu baaritaan ku ogaaday in qaybta isku haysta labada kursi ee kala ah kursiga Aqalka Sare iyo kursiga Golaha Shacabka HOPHO64 ay tahey qaybta Absuge.

    Cabdiraxmaan Saleemaan iyo Dhagaweyne balse aysan aheyn Beesha Marooyin oo haysata hal kursi oo ah Golaha Shacabka oo lambarkiisu yahay HOP#067.

    Sidoo kale guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka waxaa ay sheegeen inay baaritaan ku sameeyeen habka loo maray ergooyinka doortay kursiga HOP67 , sidaas daraadeed doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee uu kusoo baxay Yaasiin Fareey ay tahay mid sax ah.

    Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMareykanka oo Farriin Doorasho oo toos ah u diray Madaxda maamul Goboleedyada
    Next Article Xildhibaan Fowsiya Yusuf oo mar kale u taagan Kursi Golaha Shacabka iyo Mas’uul Sare oo ku taageeraya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo