Xubno ka tisan Guddigii xalinta khilaafaadka Aqalka Sare ee loo xil saaray xalinta khilaafka ka taagan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay isla casileen shaqadii Guddigaasi.
Senatoorada kala ah: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Maxamuud Axmed Mashruuc, iyo Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ku dhawaaqay inay is casilaadooda u gudbiyeen maanta Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare, iyadoo laga aqbalay, isla maantana uu guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ku dhawaaqay inay dhamaaatay shaqadii Guddiga Aqalka Sare ee dhexdhexaadinta ahayd.
Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa shirkii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare uga dhawaaqay inay istaagtay howshii dhexdhexaadinta ahayd ee Aqalka sare ka dhex waday Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Shir jaraa’id oo ay goor dhoweyd qabteen saddexda senator ee is casilay ayaa waxaa arrintan ku dhawaaqay Senator Maxamud Axmed Mashruuc, waxaana go’aanadii ay hore u soo saareen Guddigan ku gacan seyray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey.