Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa wareegto ku magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo loo magacaabay shaqi caan ah oo guddoomiye ka ahaa mid ka mida Jaamacadaha Muqdisho ku yaala.
Xilkan ayaa loo magacaabay Porf. Yaxye Cali Ibraahin oo ah aa guddoomiyihii Jaamacada Somali International University (SIU), waxayna magacaabidiisu ka dambeysay markii uu soo jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odowaa.
Prof. Yaxye Cali Ibraahin ayaa ah nin galaangal weyn ku leh dowladda Soomaaliya dhexdeeda isagoo la-taliye u ahaa dhowr wasaaradood, isla markaana madax ka ahaa guddigii soo xulista xubnaha guddiyada Qaranka ee Dastuurka iyo Xuduudaha oo uu kala shaqeeyay wasaaradda arrimaha gudaha.
Wareegtada magacaabista Prof. Yaxye Cali Ibraahin ayaa soo baxday 15-kii Ogost hoos ka akhriso
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]