Guddomiyaha Alshabaab u qaabilsan Gobolka Banadir Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa ka hadlay xaaladda Muqdisho iyo khilaafka u dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Wareysi uu siiyay warbaahinta Alshabaab ayuu ku sheegay inaysan labada dhinacba wax dan ah u heynin dadka Muqdisho ee lagu kor dagaalamayo xilli Ramadaan oo duruuf weyn dadka heysato.
“Magaaladii awalba kala xirneyd ayaa Xaafad, xaafad loo kala xiray oo dhufeyso laga dhex qoto shacabka dhexdiisa.. halkaasina dagaal ku dhex maro.. Ninka kursiga isku dhejinaya suuragal ma aha inuu sidas yeelo haddii uusan dowlado Gaallo ah garab ka heysan, kuwa mucaaradka ahna waa sidaas oo kale dowlado kale ayey garab ka heystaan..” ayuu yiri Waalliga Alshabab ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu ugu baaqay dadka Magaalada Muqdisho inaysan la kala safanin labada kooxood, balse ay qaataan shareecada islaamk, garabka siiyaan kooxda Alshabaab, lana dagaalamaana labada dhinacba oo aan wax dan ah u heynin umadda iyo dadka ku nool Caasimadda Muqdisho, sida uu yiri.

