War kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaalada Cadaado Cali Gacal Casir ayaa lagu faahfaahiyey khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug iyo meesha uu kasoo jeedo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in khilaafka salkiisu yahay mid u dhaxeeya Mudane Axmed Ducaale Xaaf oo dhinac ah iyo dhammaan madaxda kale ee Galmudug oo dhinaca kale ah, waxayna ku eedeeyeen inuu jebiyay dastuurkii Galmudug iyo nidaamkii awood qeybsiga maamulkaasi ee beelaha ku dhisnaa, isla markaana aanu Xaaf metelin Galmudug.
Waxaa looga digay madaxda ku shireysa magaalada Garowe inaysan faragelin arrimaha u gaarka ah Galmudug, iyadoo muddo xileedka maamulka uu ku eg yahay 4-ta July 2019.
HOOS KA AKHRISO
