Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubba Sheikh Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xilka ku soo laaban karo, kana mid yahay musharixiinta u taagan jagada madaxweynaha, wuxuuna meesha ka saaray wararka sheegaya in haddii uu xilka ku soo laabto ay cadaalad darro tahay.
Mar uu ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka ayuu sheegay in Baarlamaanka federaalka aanu mas’uul ka ahayn Jubbalanad sida uu yiri, ayna Jubba u madax bannaan tahay howlaheed, maadaama Baarlamaanka Jubba uu yahay hay’adda ugu sareysa maamulkooda.
Doorashada madaxweynaha ayuu sheegay inay Kismaayo ka dhici doonto 15-ka bishan isla markaana ay filayaan inay si cadaalad ah u dhacdo.
DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA JUBBA