Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo ku xigeenka labaad ayaa kulan la yeesahy Guddiga arrimaha diinta iyo Awqaafta u qaabilsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanak ayaa loogu hadlay muranka ka taagan arrimaha Xajka, xaaladaha xabsiyada dalka, sharciyada guddiga ay gacanta ku hayaan iyo qodobo kale. Guddiga ayaa guddoomiyaha golaha shacabka warbixin ka siiyay halka ay marayaan dadaallada lagu xalinayo khilaafka ka dhashay arrimaha Xajka iyo cabashada xujeyda.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ayaa guddiga faray in si degdeg ah loo xaliyo cabashada xujeyda Soomaaliyeed, isagoo xukuumadda u sii maray dalabkan.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Habdhowraha golaha shacabka Mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux).
Ugu dambeyn guddoomiye Maxamed Mursal iyo guddiga aya si qoto dheer kaga hadlay sharciyada ay diyaarinaya guddiga iyo la xisaabtanka wasaaradaha guddigaan ay shaqada kala dhaxeyso