Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa dalbaday in dib loo dhigo xafladii uu xilka kula wareegi lahaa caawa, sida ay qorsheeyeen Guddi uu u saaray maamulka Gobolka Banaadir.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii shalay la qabtay xubin ka mida Guddigii qabanqaabada xil wareejinta iyo laba qof oo ka mida shaqaalaha Dowladda Hoose, kuwaasoo la sheegay in laga baarayo tuhun dhinaca amniga ah oo soo galay, waxaana baaritaanka wada Booliska Gobolka Banaadir, taasoo keenay hadalhayn ku saabsan xubnaha la qabtay iyo raadka soo galay.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir iyo ciidamada Booliska oo ku saabsan saddexda qof ee la xiray, iyadoo wararku sheegayaan in ku-simaha guddoomiyaha G/Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maamullada Ibraahim Cumar Mahadalla uu isku dayey inuu xubnahaasi ka hortago in la xiro.
Guddoomiyaha cusub Cumar Filish ayaa dalbaday in hal maalin dib loo dhigo, kadib dhacdadaasi, waxaana sidaasi caawa ku baaqday qorshihii ay wateen maamulka G/banaadir oo ahayd inay dhacdo xil wareejinta guddoomiyaha G/Banaadir.