Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»XOG: Ku-sime Ibraahim Dheere oo Lacag ka badan 1 Milyan Dollar ku bixiyey Tacsida & Maamuuskii Marxuum Yariisow

    XOG: Ku-sime Ibraahim Dheere oo Lacag ka badan 1 Milyan Dollar ku bixiyey Tacsida & Maamuuskii Marxuum Yariisow

    August 27, 2019Updated:August 28, 20192 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad-Alle ayaa intii uu xilka hayey ka bixiyey qasnada dowladda Hoose ee Muqdisho lacag fara badan oo shaki weyn abuurtay.

    Ibraahim Dheere oo muddo bil ah hayey xilka ku-simaha ayaa xogta la helay ay sheegeysaa inuu lacag ka badan Hal Milyan oo Doolar ku bixiyey tacsida iyo maamuuska loo sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), kadib markii uu lacago aad uga badan qiimaha caadiga ahaa uu ku qortay qaansheegtooyinka howlihii tacsida iyo maamuuska ahaa ee maamulku ku qarash gareeyay saameyntii ka dhalatay qaraxii Xarunta G/Banaadir.

    Lacagta muddada kooban lagu bixiyey ayaa gaartay 1 Milyan oo Doolar iyadoo ilaha qaarkood ay gaarsiinayaan Hal Milyan iyo Bar Doolar. Arritan ayaa la sheegay inuu ka hor yimid agaasimihii lacagta Maamulka Banaadir C/raxmaan Cusmaan Ibraahim, taasoo keentay inuu xilka isaga tago casilo markii uu diiday inuu dokumentiyo u sameeyo lacagaha badan ee ku-simaha Guddoomiyaha Ibraahim Cumar Mahad-Alle uu doonayey inuu saxiixdo, lagana saaro Qasnadda Dowladda Hoose ee Bankiga Dhexe; kuna qaato arrimihii ka dhashay qaraxa ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir 24-kii Ogost 2019.

    Arrintan ayaa la gaarsiiyey madaxda dowladda Somalia sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana la sheegay inuu madaxweynaha u yeeray agaasimaha isu casilay musuqa ka socda maamulka Gobolka Banaadir ee uu ku kacay Ku-simaha Guddoomiyaha Ibraahim Dheere, iyadoo aan weli wax tallaabo ah la qaadin.

    Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad-Alla ayaa la sheegay inay fursad u noqotay xilka kusime-nimo ee uu qabtay kadib geeridii Guddoomiyihii hore, waxaana lacagaha uu saxiixay ee fara badan qaarkood la wadaagay oo qeyb ahaan saxiixay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Tuulah.

    Guddoomiyeyaasha iyo agaasimeyaasha Maamulka G/banadir ayaa dhibaato weyn kala kulmay kusime Ibraahim Cumar Mahad-Alla, waxaana dhex maray khilaaf keenay inay aad u xumatay wada-shaqeyntii maamulka; wuxuuna ku dhiiraday inuu qoraalada ku saxiixo magaca guddoomiyaha G/banadir, halka uu ahaa ku xigeen ay xaalad keentay inuu kusime noqdo.

    G//Banaadir Ibraahim Dheere Musuq Qaraxii G/banaadir Tacsida Yariisow Top Tuulah
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleNISA oo faafisay muuqaalka Waxyaabo lagu qabtay Nin ku lug lahaa Qaraxii lagu dilay xoghayihii hore ee G/Banadir
    Next Article Guddoomiyaha Cusub ee G/Banaadir oo dalbaday in Dib loo dhigo xafladii xil wareejinta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo