Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee maamulkaasi Xasan Muungaab, iyadoo xaflad ka dhacay xrunta Gobolka ay ka qeyb galeen madax ka tirsan dowladda Federaalka oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Xubno kale.
Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka ayaa sheegay inuu ku Faraxsan yahay Xil Wareejinta,waxaana uu u Mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Xasan Maxamed Xuseen iyo waxqabadkiisii intii uu xilka hayay.
Waxaa kaloo xaflada ka hadlay guddoomiyihii hore Muungaab oo sheegay in wax weyn uu maamulkiisu ka qabtay Gobolka Banaadir, wixii ay qabteena ay ka muuqdaan caasimadda.
DAAWO SAWIRRO