Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray amar ku saabsan inaan magaalada Muqdisho lagu qaban karin bannaanbaxyo aysan ogolaan maamulka.
Shir maamulka Gobolka Banaadir ku yeesheen magaalada Muqdisho kadib ayaa afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane uu sheegay in amar ka soo baxay guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale lagu mamnuucay in bannaanbaxyo laga abaabulo magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in gobolka Banaadir uu ka taliyo maamul, isla markaana aan ogoleyn in dadweyne lasoo bannaanbixiyo, iyadoo aan fasax laga heysan gobolka Banaadir.
Amarkan ayaa ka danbeeyay kadib markii laga war helay qorshe ay musharixiinta iyo Xisbiyada mucaaradka ay ku doonayaan inay banaanbax ka dhigaan Muqdisho.
Wadani.com