Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa qirtay in maamulkiisu ku guuleysan waayay xakameyta Hubka ee magaalada Muqdisho lagu dhex wato.
Wuxuu sheegay in sababta loogu guuleysan waayay ay tahay xaaladda dagaal ee dalku ju jiro, wuxuuna intaas ku daray in wax badan laga hadlay arrintaasi, laakiin aan lagu guuleysan arrintaasi.
Wuxuu qiray inay adag tahay xakameynta dhaqdhaqaaqa ciidanka iyo hubka ee magaalada, iyadoo buu yiri aan la baari karin gaadiidka dagaal ee magaalada dhex maraya iyo ciidamada saaran oo heybtooda aan la garan karin mararka qaarkood.
Wadani.com