Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa soo saaray wareegtadii ugu horeysay ee kasoo baxda xafiiskiisa, kadib markii xilka uu la wareegay laba maalmood gudahooda isagoo joojiyay dhammaan howlihii cabirka dhulka goofafka ah ee xowliga u socday.
Wareegto shalay ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa lagu joojiyay cabirka dhulka oo ahayd shaqada ugu weyn uguna lacagta badan ee ka socotay duleedyada magaalada Muqdisho, wuxuuna Guddoomiyuhu amray wixii shalay ka dambeeyay inaan la cabiri karin dhul danbe.
Arrinta cabirka dhulka oo u badan dhulka dacalka ku haya magaalada Muqdisho ee ku wareegsan ayaa ahaa shaqada ugu weyn ee laga macaasho oo maamulka gobolka Banadir uu sharciyeeyo, iyadoo Goofafka qaarkood laga yaabo in muddo dhowr jeer ah la cabiro, lagana iibiyo dad kala duwan taasina ay jeentay dacwad ku saabsan lahaanshaha dhulalkaasi oo hareysay maamulka gobolka Banaadir.
Ka sokow shirarka uu la yeehay agaasimeyaasha dowladda hoose iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka, waa markii ugu horeysay ee guddoomiyaha cusub uu qaato tallaabo uu ku joojinayo mid ka mida howlaha ugu waaweyn ee maamulkiisu faraha kula jiray.
Wadani.com