Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa maanta ku laabtay dalka Itoobiya, kadib tobanaan sano oo dagaal uu kala horjeeday xukuumadda Addis ababa.
Hoggaamiyaha ONLF ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Adsis ababa ee dalka Itoobiya, waxaana dadkii soo dhoweeyay ka mid ahaa Wasiirka maaliyadda Axmed Shidde, ahna madaxa xisbiga talada haya ee Soomaalida Itoobiya, madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar iyo madax kale.
Admiral Mohamed Cumar Cusman waxaa la socday saraakiisha sare ee ONLF oo fadhigoodu ahaa magaalada Asmara ee dalka Eritrea, waxayna arrintan ka dambeysay heshiis dhex maray dowladda Itoobiya iyo Jabhadda, kadib isbedelka ka dhacay dalka Itoobiya.