Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa shaqo joojin ku sameeyay garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Amarkan oo wareegto lag soo saaray ayaa shaqada looga jooiyay 18 Garsoore oo ka hawlgeli jiray Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo degmooyinka, iyadoo tallaabadan loo cuskaday dib u habeynta garsoorka dalka.
Xubnaha shaqada laga joojiyay waxay kala yihiin:
1- Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir
2- Guddoomiyaha Maxkamadaha Degmada Cabdicasiis
3- Guddoomiyaha Maxkamadaha Xamar Jajab
4- Guddoomiyaha Maxkamadaha Shangaani,
5- Guddoomiyaha Maxkamadaha Dharkeynley
6- Guddoomiyaha Maxkamadaha Xamarweyne
7- Guddoomiyaha Maxkamadaha Dayniile
8- Guddoomiyaha Maxkamadaha Yaaqshid
9- 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.
10- 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka,
11- Iyo garsoorayaal ka tisan maxkamadaha degmooyinka
Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa qeyb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka, kaasoo u muuqda inaan waxba laga qaban.