Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland C/ladiif Muus Sanyare ayaa u jawaabay afhayeenka guud ee Sheekh Cali Dheere, isagoo sheegay inuu abaal marin lacageed siinayo ninkii soo dila.
Isagoo ka hadlayey xaflad baroordiiq loogu sameynay dadkii ku dhintay qarixii Gaalkacyo ayuu farriin uu diray ku yiri: “Mujrimkii weynaa ee Cali Dheere ayaa ii soo dhaartay.. Cali Dheere Geed hoostiisa ayuu fadhiyaa.. Cali Dheere waxaan leeyahay qarixii Shamo dadkii ku dhintay, ardaydii ku dhimatay Hargaha iyo Saamaha, 700 ee ku dhintay Soope; dadkii 200 ahaa ee ku dhintay Ex. Koontarool wiilasha aad u khudbneyso waa kuwaas qaraabadooda..”
Isagoo sii hadlaya Guddoomiyaha Gobolka Mudug una jawaabay war hore uga soo yeeray Afhayeenka Alshabaab ku baaqay abaal marin uu diinayo qofkii soo dila. “Aniguna waxaan amreynaa Adeerayaal mujirimkaas Soomaaliya ka qabta o dila.. weliba waan u baaqeynaa wiilkii Cali Dheere soo toogta waxaan siineynaa 500,000” ayuu yiri Gudoomiye Sanyare oo intaas ku daray inuu isaguna Daar ku jiro Cali Dheera-na uu Qurac hoostiis fadhiyo, kuna dhiman doono khaatumo xumo aduunyo iyo aakhiro seeg ah.
Afhayeenka Alshabaab ayaa dhowaan khudbad uu ka jeediyey Ceelbuur ku baaqay in la dilo Guddoomiyaha Mudug ee Puntland.