Mid ka mida guddoomiyeyaasha dhowaan loo magacaabay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la soo baxay dhaqan hoggaamiye kooxeed, kadib markii uu falal gacan ka hadal iyo hanjabaad la galay saxafiyiinta ka howl gasha magaalada Muqdisho.
Maxamed Axmed Cantoobo oo ah guddoomiyaha degmada Hodon, isla markaana ka mid ahaa dhalinyarada qurbe-joogta ah ee ka timid UK, halkaasoo uu ka ahaa qof u ololeeya dimoqraadiyadda, kana sameeyay urur la magac baxay Act for Somalia ayaa iminka isu bedelay caddowga koowaad ee saxafiyiinta ka howlgala Muqdisho.
Cantoobo oo dhinaca kale ka mid ahaa dhalinyarada ololihii doorasha Farmaajo waxaa bishii May loo magacaabay guddoomiyaha degmada Hodon, isagoo ka mid ahaa 14 guddoomiye oo mar qura xilalka lagu magacaabay, wuxuuse ku lug yeeshay falal gacan ka hadal iyo shaqaaqooyin uu la galay saxafiyiinta.
Falkii ugu danbeeyay wuxuu Guddoomiye Cantoobo kula kacay Sawir-qaade ka tirsan Telefishanka Kalsan oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Maxamuud, isagoo askari ilaalo u ah ku dalbaday, isla markaana halis geliyay weriyeyaal loogu yeeray howlgal nadaafadeed oo ka socday Wadadda isku xirta Isgoysyada Bakaaraha iyo Black Sea.
Shaqaaqo kale oo ka dhacday kadib qaraxii ka dhacay Saldhigga Waaberi ayaa la sheegay inuu Guddoomiye Cantoobo gacanta ula tegay saxafiyiin ka mida kuwa Muqdisho oo goobta tegay. Waxaa kaloo saxafiyiinta soo weriyeen in Cantoobo gacan-ka-hadal dhex maray saxafiyiin habeenkii calan-saarka ee xrunta Gobolka Banaadir.
Saxafiyiinta Muqdisho ayaa qaati ka taagan ninkan heysta dhalashada UK, oo jecel inuu amarro siiyo saxafiyiinta xilliyada ay kulmaan, isagoo doonaya inay u shaqeeyaan sida uu isagu rabo.