Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay ku beeniyay eedo ay u jeediyeen taliyeyaasha ciidamada Qalaba sida.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inay xalay shir la qaateen taliyeyaasha ciidamada qalabka sida isagoo u sheegay inay dhexdhexaad ka ahaadaan xaallada oo aysan gelin arrimaha siyaasadda, loona adeegsan.
Wuxuu intaas ku daray in isagoo uu la socdo guddoomiye ku xigeenkiisa labaad, kuna sii jeeday lagu joojiyey radio Muqdisho iyagoo loo sheegay inaysan dhaafi karin halkaasi, amarkana uu siiyay Wasiirka Amniga, wuxuuna qiray inuu watay ilaalo dhar cad ah oo dhowr iyo toban uu ku sheegay.
“Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo guddoomiyaha ayaa qabsaday xaruntii Baarlamaanka, Ma ilaalo 10 askari ayaan ku qabsan karaa, Guddoomiyaha baarlamaanka oo xaruntiisa qabsanaya ..” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo xukuumadda ku eedeeyay in kumanaan askari ay magaalada iyo Baarlamaanka soo dhoobtay.
Guddoomiye Jawaari ayaa diiday inuu wax su’aalo ah uga jawaabo saxafiyiinta, wuxuuna ku baaqay in loo soo duceeyo xildhibaannada.