Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka muranka dhaliyey ka yaallo Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay Mooshinka laga keenay iyo khilaafka ka dhashay ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo uu akhriyey guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayuu guddoomiye Jawaari ku sheegay in madaxweyne Farmaajo uu gabay waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta Dastuurka isla markaana uu qaadayo mas’uuliyadda wixii ka dhaca Baarlamaanka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA JAWAARI