Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa sheegay in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday lagula xisaabto falalka uu mas’ulka ka ahaa ee dilka iyo barakacinta ahaa ee ka dhacay Muqdisho.
“Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo wuxuu labo jeer weerarray Madaxweyne Hore Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuuna mar isku dayey inuu khaarijiyo isaga iyo madaxweynihii kasii horreeyey Shariif Sheekh Axmed 19-kii Feb 2021. Farmaajo” ayuu yiri Abshir Bukhaari eedeyn culus dusha u saaray Farmaajo.
Wuxuu sheegay in Farmaajo isagoo ka shidaal qaadanaya madaxda Itoobiya iyo Ereteriya, inuu dalka gelinayo dagaal ku hayo hay’adaha dowladda, isagoo kala qaybinaya Ciidamada Qaranka.
“Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo waa in lagula xisaabtamaa mas’uuliyada dilalka, waxyeelada iyo bara-kicintaa shacabka Muqdisho. Waa in uu sidoo loo soo Gole joojiyaa inuu Ciidamadkii Qaranka u adeegsado danihiisa siyaasadeed ee shaqsiga ah iyo qalalaase gelinta dalka.
