Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare oo ka hor yimid War ay faafisay Shirkadda Spectrum Geo ee baarta shidaalka Somalia [Akhriso]

    Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare oo ka hor yimid War ay faafisay Shirkadda Spectrum Geo ee baarta shidaalka Somalia [Akhriso]

    June 4, 2019Updated:June 4, 20193 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Maxamed Bukhari ayaa ka hor yimid war ay faafisay shirkadda Spectrum Geo ee Qandaraaska baarista shidaalka Somalia ka heysta dowlada Federaalka oo ku saabsan sharciga Batrtoolka dalka.

    Qoraal uu soo saaray ayuu Abshir Bukaari oo ka mida mas’uuliyiinta ku kacsan madaxda dowladda Federaalka ku faahfaahiyey qaabka loo maro ansixinta sharciyada, wuxuuna sheegay inuusan sharciga batroolka ansixin, iyadoo aan la horkeenin Aqalka Sare, isagoo ugu baaqay shirkadda Spectrum inay saxdo warka ay boggeeda ku faafisay.

    Waxaa weli muran ka jiraa awoodda iyo shaqada Aqalka Sare oo sharciyadda uu soo ansixiyo Baarlamaanka loo gudbiyo, laakiin waxaa hadda xumaaday xiriirka labada aqal markii Aqalka sare uu awoodihiisa ku darsaday inuu wax ka ansixiyo miisaaniyadda dowladda, taasoo labadii sanadood ee ugu danbeeyay aan loo gudbin.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    HABRAACA DASTUURIGA AH EE XEER DEJINTA JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA

    Shirkadda Spectrum Geo waxa ay boggeeda rasmiga ku daabacday 30 May 2019 qormo ka soo horjeeda dastuurka dalka sida aad ka heli karto lifaaqan Qormadaas oo ay cinwaan uga dhigtay Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyay Sharciga Batroolka (Somalia’s Parliament Approves Petroleum Law Legislation). Qoraalka waxaa kale oo ay ku sheegtay in Hindise Sharciyeedka Batroolka uu sugayo oo kaliya saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Haddaba, si loo ogaado marin habowga sharciyeed ee Shirkada Spectrum Geo ay ku faafisay boggeeda waxaan halkan kula wadaagayaa Dadweynaha Soomaaliyeed habraaca dastuuriga ah ee ay tahay in xeer dejinta Dalku ay marto ka hor inta uusan noqon hindise sharciyeed kastaa sharci dhaqangal ah.

    Marka hore, awoodda xeer dejinta Dalka waxaa u xilsaaran labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah:

    1. Golaha Shacabka
    2. Golaha Aqalka Sare

    Madaxa Afaraad (Qod.79aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay in sharci kasta oo qabyo ah uu maro si uu noqdo sharciga dalka.

    Nuxurka tallaabooyinkaas waa sida hoos ku qoran:

    1. In sharci kasta oo qabyo ah ee la horkeeno mid ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu maro golaha kale ee Baarlamaanka Federaalka iyada oo la raacayo habraaca dastuuriga ah oo si faahfaahsan loogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah.

    2. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay meel mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.90aad(f) ee Dastuurka KMG ah; si uu uga dhigo SHARCI dhaqangal ah.

    3. In nuqulka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.85aad ee Dastuurka KMG ah.

    Sidaas darteed, Sharciga Batroolka ee ay ka hadashay Shirkadda Spectrum Geo waxaa ansixiyay oo kaliya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaana loo soo gudbin doonaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya; si uu uga guto waajibkiisa dastuuriga una dhammeystiro habraaca dastuuriga ah ee kor ku xusan.

    Ugu dambeyntii, waxaan u soo jeedinayaa Shirkadda Spectrum Geo in ay dib u saxdo qormada ay ku faafisay boggeeda rasmiga ah, aniga oo ugu baaqaya in ay ilaaliso sharciga Dalka u yaal ayna ka fogaato tallaabooyinka ka hor imaanaya sharciga Dalka. Sidoo kale, waxaan kula talinayaa Shirkadda in ay ka feejignaato qoraallada noocaan ah ee baalmarsan habraaca sharcidejinta Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed.

    Abshir Bukhaari Aqalka sare Sharciga Batroolka Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDiyaarad ka baxday Muqdisho & Rakaabkii saarnaa oo lagu xayiray Garoonka Wajeer. [Faahfaahin]
    Next Article AKHRISO: Dalalka Muslimka ee maanta laga Sooman yahay & Degaano ka mida Somalia oo aan laga Ciidin

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo