Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame, Gobolka Awdal ayaa waxbarashadii Jaamcaddaasi ka eriday Arday lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamuud Xasan oo ku jiray sannadka labaad ee kuliyada shareecada Jaamacadaasi.
C/naasir Maxamuud Xasan oo ah guddoomiye ku-xigeenka xisbigga mucaaridka ah ee UCID. ayaa Qoraal ay soo saareen madaxda sare ee Jaamacadda Camuud lagu caddeeyay in Jaamcadda Camuud laga eryay kadib markii uu warbaahinta aflagaado ugu geystay madaxda Jaamacadda isaoo sheegay in madaxda Camuud ay ka mid yihiin xisbiga Wadani.
Ninkan oo saxaafadda la hadlay ayaa mar kale ku eedeeyay in jaamacadda Camuud ay noqotay mid beelleed oo xisbiga mucaaradka Waddani uu gacanta ku dhigay, wuxuuna sheegay inuu Jaamacado kale tegi doono.
Arrintan ayaa salka ku heysa hadal kasoo yeeray Feysal Cali Waraabe oo ah nin ku hadla hadallo aan laga taxadarin, markii uu ardayda dhigata Jaamcadda ku kala sheegay beelo.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA ARDAYGAASI LAGU ERYAY