Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa si kulul uga hor yimid Go’aankii kasoo baxay shirkii Maamul Goboleedyada ee Dhuusamareeb.
isagoo ka hadlayay kulanka Baarlamaanka ee maanta oo looga doodayo akhrinta labaad ee dib u eegista sharciga Xisbiyada dalka ayuu sheegay inaysan marna aqbaleynin Doorasho Dadban oo mar kale dalka laga qabto, wuxuuna si cad u sheegay inaysan maamul Goboleedyadu shaqo ku lahayn Doorashada.
Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Xildhibaanadii ku sugnaa fadhiga in Maamul Goboleedyada dalka ay sharciyad iyo xaq u lahayn jihaynta iyi go’aaminta Doorashada Dalka, wuxuna intaas ku daray in Baarlamaanka uu kaliya howshaas mas’uul uga yahay dalka.
“Ma aqbalayno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashooyinka dalka.. Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha shacabka oo si weyn uga hor yimid qorshaha Maamul Goboleedyada dalka oo isku raacay inaysan doorasho Qof iyo Cod ah ka dhici karin dalka xilliga dowladda Farmaajo ay jirto.
