Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay in Baarlamaanka hadda jira ee 10-aad uu sii shaqeyn doono inta laga dooranayo, lana dhaarinayo Baarlamaanka cusub.
Isagoo ka hadlayay fadhigii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ka sheegay inuu sii shaqeynayo Baarlamaanka hadda jira inta laga helayo Baarlamaan bedela, lana dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad.
Arrintan ayaa imaaneya iyadoo muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad ay ku dhammaaneyso 15 beri gudahooda, xilli khilaaf ka taagan yahay Doorashada 2020/2021, tasoo ay u muuqato inaysan doorasho dhici karin sanadkan gudihiisa.
