Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yasiisow ayaa jawaab kale udiray xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo dagaalkooda ka socda baraha bulshada uu galay maalintii labaad, markii uu Xildhibaan Fiqi qoraal dheer ka diyaariyey musuqa maaliyadda Gobolka banadir.
“Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi danbigii uu shacabka ka galay oo aheyd in lagu maxkamadeeyo ayuu fowdo u joog noqday, ee haloo sheego in Caasimada Muqdisho aysan u baahneyn qaswade ku farxa qaraxyada argagaxisada..” ayay ahayd jawaabtii ugu danbeysay ee Guddoomiye Yariisow u diray Xildhibaan Fiqi.
Dagaalka labada mas’uul oo aan ahayn markii ugu horeysay ayaa waxaa kiciyey Xildhibaan Fiqi oo ka mida xildhibaanada ka horjeeda dowaldda uu hoggaamiyo madaxeyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna dhowaan magaalada Nairobi kasoo saaray baaq ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu bedelo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaan Fiqi ayaa jawaab degdeg bixiyey, waxayna u qorneyd sidatan:
JAWAABTA XILDHIBAAN FIQI
Gobolka Banaadir qofkii fahmi la’aa sababta ay amnidarrada, qashinka iyo nadaafad xumada, biyaha meel walba fariista marka Roob da’o, jidadka burbursan, adeeg Bulsho la’aanta lagu qabo Guddoomiyaha gobolka, ha eego sida canshuuraha shacabka uu ugu takrifalo Yariisow.
Lacag 6 Malyun ku dhow oo cid la siiyey aysan Caddeyn oo Account-ka Bankiga dhexe dawladda hoose ay ku leedahay laga Soo saaray muddo 6 bilood gudaheed ah meel uu ku bixiyay Yariisowna illaa iyo hadda lama hayo. Shacabka Muqdisho gafane dhiigooda jaqaya iyo guulwade shaqadii loo igmaday dayacay uma dulqaadanayaan, waxna kuma kala duwana arxanlaawaha qarxinaya iyo ma-dhargaha canshuurtooda ku takrifalaya.
Yariisow waxa laga sugayaa In uu ogolaado In la xisaabiyo, canshuurtii shacabka masaakiinta ahna meel uu ku sheego, haddii dalkan uu sharci ka shaqaynaya lama arkeen mas’uul sidaas u musuqmaasuqay xilkii iyo xoolihii ay umaddu ku aamintay oo shaqadiisii gurracnayd sii wata.

HOOS KA AKHRISO QORAALLADII AY IS WEYDAARSADEEN GUDDOOMIYE YARIISOW IYO XILDHIBAAN FIQI