Waxaa magaalada Muqdisho ku gereiyooday Guddoomiyihii Golaha Badbaadada Jubbooyinka Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud (Qalyar). oo magaalada Kismaayo ay ku dhaawacmeen dabley hubeysan.
Nabadoonka ayaa la sheegay inuu saaka isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho lagu geeriyooday dhaawac culus oo laga daaweynayey, wuxuuna inta badna ku jiray Xaalad koomo ah, kadib markii 13-kii Bishii hore ee September ay dabley hubeysan rasaas ku fureen magaalada Kismaayo, iyadoo dilkiisa lagu eedeeyay maamulka Axmed Madoobe oo uu ka horjeeday.
Axmed Jaamac Qalyar ayaa madax u ahaa Golaha Badbaadada Isbedeldoonka ee Jubbaland, waxaana falka lagu dhaaawacay uu dhacay xilli uu ku sii socday masjid ku yaal magaalada Kismaayo, waxaana loola cararay isbitaalka oo qalliin lagu sameeyay, iyadoo markii danbe loo soo qaaday magaalada Muqdisho.