Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Guddoomiyihii hore ee G/Banadir Taabit Cabdi oo ka sheekeeyay Dareenkiisa Qarixii Soobbe ee 14-kii Oktoobar

    Guddoomiyihii hore ee G/Banadir Taabit Cabdi oo ka sheekeeyay Dareenkiisa Qarixii Soobbe ee 14-kii Oktoobar

    October 12, 2018Updated:October 12, 20186 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muddo sanad ah ayaa laga joogaa maalintii uu dhacay qarixii weynaa ee Soobbe oo ahayd 14-ka Obtoobar, sanadkii tagay, waxaana meelo kale duwan laga qorshaynayaa in xusas baroordiiq ah laga sameeyo.

    Waxaa laga yaabaa in qisooyinka iyo baaxadda dhibaatada meesha ka dhacday aad ka maqasheen dad kale duwan oo ay ka midyihiin kuwii ka badbaaday qaraxa iyo kuwii ehelkooda ay ku baxeen, balse maanta waxaan ka eegeynaa xagal cusub, kuna eegeynaa indhaha qof dadkaas aad uga duwan, wixii dhacayna joogjoog ahaa.

    Waa Taabit Cabdi oo markaas ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, waxaan kula fariistay Hotel Sankara ee magaalada Nairobi, halkaas oo uu si qoto dheer iiga waramay wixii uu arkay, wixii uu dareemay, iyo sidii uu uga falceliyay.

    Marka aad Taabit aragtid markiiba waxa maankaaga kusoo degdegaya qarixii Soobbe, sababtoo ah waxa uu weli garabka ugu xiran maradii guduudnayd ee uu baroordiiqda u xirtay maalintii uu qaraxa dhacay, taas oo ay ku qorantahay “14-ka October, 2017” oo ah maalintii uu qaraxa dhacay.

    Waxaan weeydiiyay goorta uu calaamaddan iska dhigayo “Sanad ayaan xirnahay hadda, xitaa dumarkii asaayda qaaday waa ay dhigeen, dadkii ehelkooda ay dhinteen ee murugaysnaa nolol cusub ayay biloowdeen, haddii aan sii xirnaado waxaan dadka sii xusuusin muragadii, marka sanad guuradan koowaad ee qaraxa ayaan iska siibayaa calaamadda” ayuu yiri Taabit oo intaas ku daray in dad aad u badan oo ajaaniib iyo Soomaaliba ah ay weeydiiyeen.

    Afar ciwaan ayay Taabit u leedahay masiibadii Soobbe, waxayna kala yihiin kuwa hoos ku qoran oo aan midmid u kala dhigdhigi doonno.

    Masiibo Qaran

    Gurmadkii shacabka iyo Taabit
    Gurmadkii shacabka iyo Taabit

    “10 daqiiqo ka hor ayaan maray isgoyska Soobbe, waxaa ka jirtay saxmad aad u badan, waxaan wacay madaxa taraafikada oo aan ka codsaday in uu waddada wax ka qabto oo uu baabuurta kala furdaamiyo, kadib waxaan tagay xafiiskayga oo uu igu sugayay Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre, saastaan albaabka uga galay ayuu qaraxa dhacay, waxayna nala noqotay in uu ka dhacay albaabka xarunta dowladda hoose” ayuu yiri duqii hore ee magaalada, wuxuuna intaas ku daray in raadiyeyaasha gacanta ee askarta ay ka ogaadeen halka uu ka dhacay qaraxa in ay ahayd Soobbe “Waxaan qiyaasi karay baaxadda qaraxa maadaamaa aan markaas uun soo maray”.

    Caadi ahaan marka uu qarax dhoco, dhammaan madaxda, gaar ahaan kuwa amniga iyo kuwa qaranka waxa ay isugu tagaan Xarunta Hawlgalada Amniga ee Dhexe, halkaas oo laga hago hawlgalada gurmadka, balse Taabit waa uu ka cudurdaartay shirkaas, wuxuuna yiri “iga raali noqda aniga hawl weyn ayaa ii taala, shacabkaygii ayaa dariiqyada ku gubanaya oo ay tahay in aan dabka ka baqtiiyo”.

    “goobtii qaraxa ayaan toos usoo aaday, waxaanan baabuurka kaga degay dhismaha CID-da agtiisa, halkaas oo uu qaraxa soo gaaray, islamarkiina waxaan qadka toos ugu galay idaacadda qaranka ee Radio Muqdisho oo aan dadka kala hadlay, waxaanan u sheegay in maanta la joogo maalintii gurmadka qaranka, qofkastana uu waajib saaranyahay in la badbaadiyo isirka Soomaaliga oo sharaftiisii iyo jirkiisiiba uu gubanayo” ayuu yiri.

    Waxa uu Taabit ka sheekeeyay baaxadda masiibada intii uu indhihiisa ku arkay, “Maalintii koowaad markii ay dhamaatay 600 boqol ayaan dhimashadooda xaqiijinay, 200 boqol waa la waayay, boqolaal kalena waa ay dhaawacmeen” ayuu yiri Taabid.

    Gurmad Qaran

    Taabit oo saaran diyaaraddii dhaawacyada lagu qaaday
    Taabit oo saaran diyaaraddii dhaawacyada lagu qaaday

    Waxa uu Taabit aad ula yaabay jawaabta shacabka Muqdisho, gaar ahaan dhallinyarada ay ka bixiyeen qaraxa, qaas ahaan dhiiggii ay shubeen “waxaan xitaa weynay tab aan u kala maareyno tirada badan ee dhallinyarada doonayay in ay dhiigga shubaan, waxaa buuxsamay kaydkii dhiigga ee Isbitaal Madiina, waxayna noqotay in aan dhallinyaradii u kaxayno isbitaalo kale si ay dhiigga u shubaan”.

    Kadib waxaa la bilaabay in dhaawacyadii halista ahaa dibedda loo qaado iyo in la sameeyay xarun qaran oo Gurmadka ah, taas oo la isugu baadi goobayay eheladii iyo dadkoodii ka maqnaa, “Shaqada iyo guusha la gaaray waxaa mahadeeda leh dad aad u badan, gaar ahaan dhallinyarada Muqdisho, xaruntan gurmadka shaqooyinka waaweyn ee ay qabatay waxa ay ahayd Tiiraanyo bixin, sababtoo ah dadka waxa ay heleen meel ay ciirsadaan oo ay soo wacdaan, tusaale waxaa jirtay hooyo aan taleefoonka ka qabtay, labo wiil ayaa ka maqnaa, waxay igu tiri kurbo weyn ayaad iga feeddeen, rajo ayaad igu beerteen, caawo hurdi karaa sababtoo ah waxaan ku tashanayaa in la ii maqanyahay. Mid ka mid ah wiilashii dadkii dhintay ayuu ka mid noqday, midna waa uu dhaawacmay” ayuu yiri Taabit.

    Midnimo Qaran

    Taabit Cabdi oo xilka ku wareejinaya duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan
    Taabit Cabdi oo xilka ku wareejinaya duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan

    Qaraxan waxa uu mideeyay quluubta Soomaalida oo idil meel kasta oo ay joogaan, Taabit waxa uu sheegay in lacagihii gurmadka laga soo uruuriyay meel kasta oo ay Soomaali degentahay,”xitaa xeryaha qaxootiga Dhabaab ee Kenya ayaa lacago laga soo uruuriyay, xitaa Somaliland, taasna waxa ay ku tuseysaa in ay dhalatay midnido Qaran, Soomaaliduna tahay dad hal qoys ah oo isu damqada marka ay dhibaato soo gaarto” ayuu yiri Taabit.

    “Guddigii gurmadka meelihii ay tageen waxaa ka mid ah magaalada Boosaaso, meel iskuul ah gabadh yar oo iskuulka dhiganaysay ayaa waxa ay maqashay gurmad ayaa la uruurinayaa, waxa ay guddigii u keentay buskus ay haysatay oo ay tiri anigana kan ayaan ku darsaday ee iga geeya, waxaa jiray wiil yar oo Muqdisho isna keenay 5 kun oo shillin Soomaali ah” ayuu yiri guddoomiyihii hore.

    Waxyaabaha aadka u taabtay dareenka Taabit waxaa ka mid ahaa banaanbixii balaarnaa ee ka dhacay Muqdisho, kaas oo looga soo horjeeday kooxda Alshabaab oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen qaraxa, inkasta oo ay iska fogeeyeen.

    Balse waxa uu qabaa Taabit in ay ahayd fursad la gafay oo aanan laga faa’iideysanin “Dareenka shacabka ee intaas la’eg waxa ay ahayd in sida dhabta ah looga faa’iideysto oo isbadal lagu sameeyo nidaamka amniga, mise dhicin taas” ayuu yiri, wuxuuna raaciyay in xitaa sharciyadii argagixiso la dagaalanka iyo kuwii kale ee duruuriga ahaa aanan la meel marin illaa iyo hadda .

    Xusuus Qaran

    Taabit oo ku sugan goobtii uu qaraxa ka dhacay
    Taabit oo ku sugan goobtii uu qaraxa ka dhacay

    Taabit waxa uu qabaa in xusuus qaran oo sanadle ah loo sameeyo wixii dhacay 14-kii Oktoobar, maadaamaa ay ahayd dhacdadii markaliya dhacday ee ugu dhimashada badneyd, xagga qaraasaha hantiyeedna ugu badneyd.

    Xusuustaas Qaran waxaa ka mid ah in madxaf Qaran oo la dhigo xusuustii qaraxa si jiilalka jooga iyo kuwa aan dhalanba ay u ogaadaan wixii dhacay iyo cidda ay tahay cadawga dalka.

    “Aniga ayaaba qorsheynayay in aan madxafkaas sameeyo, balse nasiib daro 3 bilood kadib isbadal ayaa dhacay oo xilkii waan baneeyay” ayuu yiri Taabit oo sheegay in dadkii waxyeeloobay ay ka badanyihiin dadka dhaawacyada maskaxda ay gaareen ee aanan laga warhaynin, lagana yaabo in ay xitaa u dhintaan xilli dambe iyo kuwa tiiraanyada la nool ee hanfariirka uu ku dhacay.

    Cabdinaasir Saxansoxo
    BBC Somali, Nairobi

    Muqdisho Qaraxii Soope Thaabit Cabdi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/kariin Qalbi-dhagax oo si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Kismaayo [Sawirro]
    Next Article Baaderigii sababay inuu xumaado Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka oo la sii daayey

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo