Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maalinta Berri ah isugu yeeray xildhibaannada, kadib farriin loo diray dhammaan mudanayaasha Baarlamaanka.
Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyey in maalinta Berrito 29 July kulan ay xaruuntooda Villa Hargeysa ku yeelan doonaan fadhi caadi ah, iyadoo ajendayaasha laga doodayo ay kala yihiin: Akhrinta koowaad ee wax ka bedelka Sharciga Burcad Badeedka iyo Dib u eegista Miisaaniyadda sanadka 2020.
Kulakan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu yeesho Golaha Shacabka kadib 25-kii bishan markii fowdo ay hareysay fadhigii Baarlamaanka, kadibna Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh uu ku dhawaaqay in kalsoonia lagala laabtay xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
