Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay fal ay ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kaceen guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlaaanka Cbadi Xaashi C/llaahi.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii ciidamada AMISOM ay diideen inuu Guddoomiyaha Aqalka sare ciidamo ilaalo u aha la galo garoonka Muqdisho, waxayna sidoo kale dib u celiyeen guddoomiye ku xigeenada labaad ee Golaha shacabka iyo Aqalka Sare oo sagootinayey Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Shirar jaraa’id oo ay qabteen Mahad Cabdalla Cawad iyo Mowliid Xuseen Guhaad ayay si kala duwan uga hadleen arrintan iyagoo dacwad u qoray madaxda AMISOM, waxayna si weyn u cambaareeyeen falka ay kula kaceen guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi iyagoo dalbaday inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan wixii ka dhacay garoonka Muqdisho maanta.
Saraakiisha AMISOM ayaa ku doodaya inay amar ku qabaan in garoonka gudihiisa loo ogolaado ilaaladoodaa saddexda mas’uul ee kala ah: Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.