Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ka kooban shan qodob oo wada shaqeyn ah, kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku guul darreystay inuu heshiisiiyo.
Qoraal kasoo baxay labada Guddoon oo oo ay ku saxiixan yihiin Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi, waxaana la sheegay inuu heshiiska gundhig u yahay dastuurka KMG ah, xeer hoosaadka golayaasha iyo sidoo kale xeerarka kale ee dalka.
Qodobadda heshiiska labada dhinac ayaa kala ah:
1)- Iskaashi xeer dejinta laabda Aqal.
2) – Xog isdhaafsi joogto ah ee labada Aqal.
3) – Hirgalinta heshiisyada u dhaxeeya labada dhinac.
4) – Ka warqabka baahiyaha hormarineed ee labada gole iyo in la iska kaashado sidii loo dabooli lahaa.
5) – Isku tix-galinta waajibaadka gaar ahaaneed ee ay kala leeyihiin labada Aqal.
Sidoo kale golaha shacab iyo golaha Aqalka Sare ayaa war-saxaafadeedkooda ku shaaciyay in xubnaha ku matalaya baarlamaanada heer qaaradeed, kuwa goboleed iyo kuwa aduunkaba ay si cadaaladi ka muuqato ku qeybsan doonaan.
Golaha shacabka iyo golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay qoraalka in ay ansixi doonaan miisaaniyadda dowladda federaalka ku noqoshadeeda iyo xisaab xirkeedaba si waafaqsan habraaca dastuuriga ah ee xeer dejinta dalka.
Labada gole ayaa waxa ay sheegeen ay dhisi doonaan guddiga adeegga baarlamaanka, kaddib markii ay soo id laato dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka. Ugu dambeyntii war-murtiyeedka ay soo saareen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxa ay ku sheegeen in ay yeelanayaan xeer hoosaad wadajir ah, kaas oo faafaahinaya dhamaan qodobada lagu heshiiyay.
HOOS KA AKHRISO




