Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhoweyd shaaciyey in kulan wadajir ah oo labda Aqal ay cod ugu qaadayaan Heshiiska cusuub ee Doorashada 2020/2021 ee ay gaareen Madaxweymaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul Goboleedyad Dalka.
Farriimo loo diray xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu yiri: “Beri oo Sabti ah Tar 26 Sep waxaa jira Kulan wadajir ah labada Gole ee BFS. Agendaha waa: U Codeynta Heshiiska Siyaasadeed ee Jihaynta Doorashada Xildhibaanada BFS ee 2020/21. Saacadu waa 09:00 subaxnimo..”
Kulankan inuu dhaco waxaa hore uga heshiiyey guddoonka labada Aqal oo muddo khilaaf u dhaxeeyay, Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka, waxaana si hoose loo qorsheeyay sida codkal loo qaadayo oo gacantaag ah.

Inta badan xildhibaannada Aqalka Sare ayaa taageersan Heshiiskan, halka Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay si cad uga hor yimaadeen. Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayaa olole u galay in heshiiskan la ansixiyo iyadoo kulamo Muqdisho kula yeeshay xildhibaannada kasoo jeeda deganadooda iyadoo u ballan qaaday inay gacan ku siin doonaan in dib loo soo doorto.