Maamulka Gobolka Banaadir ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Yaaqshiid, Kadib markii dhowaan shaqada laga joojiyey Guddoomiyihii hore.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow ayaa lagu magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid. Waxaana loo magacaabay Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed.
Gudoomiye cusub ee Yaaqshiid ayaa hore u ahaa Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.
Gudoomiyihii hore ee Yaaqshiid Geedoow ayaa la sheegay in shaqo joojin loogu sameeyay sababa la xiriira musuq maasuq lagu soo eedayay.