Guddoonka Baarlamaanka Soomaliya ayaa qarka u saaran inuu laba u kala jabo, kadib markii uu saameyn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayna isku maandhaafeen qaabka ay kulankii maanta u fasireen xildhibaanada taageersan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo qorshe la galay madaxweynaha iyo xildhibaanada taageersan ee wada mooshinka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kula heshiiyay madaxweynaha in lagu dhawaaqo in Mooshinka la qeybiyay qaab kastana loo geeyo Baarlamanka xitaa haddii uu buuq ku dhamaado oo aan la furin shirka (Qorshahaasi ka akhriso halkan). Taasina waxay keentay markii ay shirka ka baxeen maanta guddoonka Baarlamaanka oo ay tageen xafiiskooda in xildhibaanada keenay mooshinka ay ku dhawaaqeen in la qeybiyay mooshinka oo shan maalmood la heysto si loo akhriyo kadibna laga doodi doono oo cod loo qaadi doono.
Guddoomiyaha Baarlamanka oo heshiiska qeyb ka ahaa ayaa isna u sheegay guddoonka inuu shir jaraa’id qabanayo oo uu ku shaacinayo in la qeybiyay mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha, lagana doodi doono Sabtida soo socota, codna loo qaadi doono, LAAKIIN waxaa si weyn uga biyo diiday Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cawad oo shaaca ka qaaday haddii Prof. Jawaari ku dhawaaqo in mooshin laga qeybiyay baarlamaanka uu isaguna si cad u sheegi doono inaan mooshin la qeybin ee sharci darro lagu wado Baarlamaanka.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa ilaa iminka kala feker duwanaanshahooda soo shaac bixin, inkastoo Guddoomiyaha heshiis kula jiro madaxweynaha, ku xigeenka koowaad uu katirsan yahay Garabka madaxweynaha, Guddoomiye ku xigeenka labaadna ka mid yahay xubnaha ugu cadcad ee taageersan Ra’iisal wasaaraha.
Waxaa muuqata in Guddoomiyaha Baarlamaanka xaalad adag heysato; taasoo ah inuu ku dhiirado inuu kala qeybiyo guddoonka Baarlamaanka oo ah meesha ugu danbeysa ee khilaafkan uu saameeyo ama uu fulin waayo heshiiskii uu la galay madaxweynaha oo aanu awoodi karin.
Goobjooge.com
Muqdisho-Somalia
[ad name=”HTML”]