Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeyay ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo soo bandhigay halka uu salka ku hayo khilaafkaasi oo ah wasiir saaxiib la ah madaxweynaha oo xilka laga bedelay, kaasoo ah wasiirka Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir.
Wuxuu intaas ku daray in warkii uu soo saaray madaxweynaha 25-kii Oktoobar, waxbna kama jiraana ku tilmaamay isku shaandheyntii koobneyd ee uu ku sameeyay golaha wasiirada ay ahayd sharci darro, isagoo madaxweynuhu soo abaabulay mooshin sharci darro ah oo loo adeegsaday musuqmaasuq sida uu yiri, wuxuuna amaan u jeediyay waanwaanta guddoonka Baarlamaanka, culimaa’udiinka iyo shacabka.
Wuxuu sheegay Ra’iisal wasaaraha inuu diyaar u yahay xal loo helo arrintaas, isagoo ku adkeystay inuu sharciga ku taagnaan doono.
Hoos ka daawo warka uu soo saaray Ra’iisal wasaaraha
[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=q4SRLAVWEtE”]