Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Guulaha Madaxweyne Farmaajo iyo Miisaankii Shalay! [Qormo Xiiso leh]

    Guulaha Madaxweyne Farmaajo iyo Miisaankii Shalay! [Qormo Xiiso leh]

    January 23, 2019Updated:January 24, 20193 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guul waqtiyeed oo uu madaxweynaha gaaray keliya looma fasirin; waxay noqotay faan loo sammeeyay hal-heys, “Kheyre ku arag, Farmaajo kuu aamus”. Guulaha laga hadlayo ma aha waxqabad ee waa in qof siyaasi la rabbaayadeeyo, markuu diidana sharci iyo sharci darraba hadduu xil hayayna looga qaado, ama la weeraro.

    Waxaa guulo loo mashxaradeeyo noqday in Taabit, Jawaari, wasiiro, guddoomiyahaasha heerarka maxkamadaha, saraakiisha ciidanka iyo nabad sugidda xilalka laga qaado. Waxaa loo dabbaal dagay weerarkii sharci darrada ahaa ee lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, afduubkii Roobow, kala diristii guddiga maaliyadda ee baarlamaanka, cadaadintii Shariif Xasan iyo natiijadii doorashadii Koonfur Galbeed, ceyrintii Haysom iyo soo dhoweynta in isla qof ajnabi ah bankiga dhexe sidii loogu dhiibi lahaa shuruucda dalka loo beddelo.

    Is qabqabsiga siyaasiyiinta iyo xil ka xayuubinta muddaba way taagneyd oo madaxweyne Farmaajo lama billaaban. Madaxweyne Cabdiqaasim waxay is qabteen guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdalla Deerow AUN wuxuuna ku beddelay Mustaf Mukhtaar Guudow, waxay is qabteen RW Galeyr, wuxuu ku beddelay Xasan Abshir, oo markii ay is qabteen uu ku sii beddelay Maxamed Cabdi Yuusuf, wuxuu dhowr jeer magacaabay guddoomiyayaal gobolka Banaadir.

    Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN wuxuu beddelay guddoomiyihii baarlamaanka Shariif Xasan oo uu weliba dalka ka saaray, wuxuu ku beddelay Sheekh Aadan Madoobe, wuxuu beddelay RW Cali Geedi, keenay Nuur Cadde, kaddib ku sii beddelay Gacma Dheere; wuxuu beddelay oo uu weliba xabsiga dhigay guddoomiyihii maxkamadda sare Haaruun, wuxuu xabsiga u taxaabay nabaddoonno ay ka mid yihiin AUN Axmed Diiriye.

    Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu beddelay guddoomiye baarlamaan; wuxuu beddelay laba RW. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu beddelay laba RW oo uu weliba si sharci ah baarlammaanka u hor geeyay codna loo qaaday, wuxuu gobolada qaar geystay siyaasiyiin asaga uu wato.

    Is qabqabsiga iyo xil ka xayuubinta waqtigiyadii Cabdiqaasim, Cabdullaahi Yuusuf, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxaa loo arkayay ceeb iyo guul darro siyaasadeed; hadda waxaa loo sameystay halheys, waana wax lagu faanno in qof siyaasi ah oo xilka laga xayuubiyo ama la xiro ama la weeraro.

    In wax muddo loo arkayay guul darro ay maanta madaxda Villa Soomaaliya iyo shacabka qaar ay ugu muuqdaan guulo waaweyn waxay leedahay laba fasiraad:

    1- Qofka marka uu aaminsan yahay in uu awood leeyahay waxaa laga filanayaa inuu u turo inta ka tabar daran, hadduu awood isticmaalana wuu ku ceeboobaa. Qofka aaminsan in uu aad u tabar daran yahay, jug walba oo uu u geysto qofka ka soo horjeeda wuu u dabaaldegaa. Waa sababta Falastiiniyiinta marka ay qaraxyo geystaan ay Carabtu ugu dabaaldegaan, marka ay Israa’iil wax duqeysana adduunka u cambaareeyo. Siyaasiyiinta Villa Somalia joogta ayaa markaan aaminsan in ay aad u tabar darnaayeen, oo waxyeelo walba ay geystaan ugu fasirta guul.

    2-Shacabkii is qabqabsiga necbaa, qaarkood waxaa maan rogay warbaahin lacag badan la geliyay iyo shaqsiyaad guul darrada u tarjuma guul la gaaray.

    Xil xayuubin, xoog iyo sharci darro mar walba waa u guuldarro iyo curyaamin inta isku il ku eegta shalay iyo maanta.

    Marka laga reebo Md. Cabdullaahi Yuusuf oo aanan waraysan, madaxdii kale waan waraystay. Inay madax xilka ka qaadaan uma heysan guul, waxay u heystaan waxay duruuftu ku kaliftay, oo ay ka fursan waayeen, waxyeelana lahayd.

    Farmaajo waa mas’uulka keliya ee si bannaan-yaal ah ugu faana godobta iyo dhaawacyada uu geystay.

    Ha moogaanina miisaankii shalay!

    W/Q: Hassan Adan Hosow

    Farmajo Kheyre Xasan Xoshow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda G/Banaadir oo Amar Xarig ah u jartay Ninkii Ajnabiga ahaa ee laga qabtay Garoonka Muqdisho
    Next Article Maxaa looga hadlay kulankii Danjireyaasha Dalalka Midowga Yurub & Ra’iisal Wasaare Kheyre? [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo