Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guusha Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxay ka bedeli kartaa Gudoonka Baarlamaanka.?

    Guusha Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxay ka bedeli kartaa Gudoonka Baarlamaanka.?

    January 10, 20173 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khudbadii musharaxnimada taariikhiga aheyd ee Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir ka jeediyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa noqotay tan loogu hadal heynta badan tahay dadka oo xiiso gaara yeelatay, isla markaana qabsatay baraha bulshada ku xiriirto.

    Xildhibaanka oo taarkhiidsa ku bilaabay ayaa sheegay in uu Dugsiga sare kaga baxay magaalada Beledweyne kadib labo sanno oo shaqada Qaran ahna kusoo qaatay degmada Xarardheere, isagoo  Waxbarasho dibadeed u tegay Jaamacadda caalamiga ah ee Islamic International University ee Islamabad, Pakistan oo uu kusoo bartay shareecadda Islaamka iyo Qaanuunka.

    “Waxaan dalka ku soo laabtay 1992 dii xiligaas oo ay yareeyd in dadka Soomaaliyeed ku dhiiradaan joogitaanka dalka anigoo umadda kala soo shaqeeyay dhinaca waxbarashadda, Gargaarka bini’aadanimadda, waxaan cagta soo mariyay dhammaan goboladda dalka uu ka kooban yahay, waxaan ku guuleeytay aasaasidda goobo waxbarasho oo dalka ka hirgalay sidda iskuulada ku bahoobay daladdda waxbarashada FPENS iyo Jaamacadda Simad ” ayuu yiri musharaxa oo ka hor hadlayay xildhibaanada Baarlamaanka.

    Xildhibaan Faarax ayaa sheegay inuu wax badan ka badeli doono muuqaalka Baarlamaanka, isla markaana uu noqon doonto goob lafgu soo hirto, Baarlamaankuna noqon doono mid ku mashquulsan danaha dalka, sharciyadiisa, hormarinta dastuurka iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed, waxaa kale uu sheegay inuu kala shaqeyn doono gudoomiyaha baarlamaanka ajendayaasha horyaalla, wuxuuna balan qaaday inuu ka qeyb qaadan doono casriyeynta Golaha shacabka.

    Wuxuu kaloo musharax Xildhibaan Faarax soo qaatay waxqabadkiisii intii uu ahaa Wasiirka madaxtooyada Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay dib u heshiisiinta, wuxuuna tusaale u soo qaatay heshiiskii  dowladda Federaalka iyo Maamaulka Jubba, kaasoo 2013 lagu baajiyay in dhiig ku daadan lahaa Jubbooyinka.

    Wuxuu xusay inuu hormarin weyn ku sameeyay Wasaaradda Caddaaladda oo xilkeeda uu yahay middo kooban, wuxuuna isbedel la taaban karro ku sameeyay Maxkamdaha dalka, Xeer ilaalinta, Denbi baarista iyo maxaabiista isagoo ka dhigay wasaaradda mid ka duwan sidii hore oo magac ahaanta keliya ay u jirtay.

    Intii uu Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ahaa Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadie wuxuu ku guuleysay anisixinta sharciyo badan oo baarlamaanku ansixiyeen sida:

    Sharciga Golaha adeegga Garsoorka oo noqon doona asaaska Garsoorka dalka

    Sharciga Maxkamadda Dastuuriga oo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka loo sameeyo

    Sharciga Xabsiyadda iyo Maxaabiista

    Magaacaabidda Guddiga adeegga Garsoorka

    Magacaabidda Gudiga dib u eegista Dastuurka iyo sharcigooda

    Sharciga Xuquuqda Caruurta oo Soomaaliya sumcad weyn u soo jiiday

    Sharciga Maxkamadda Racfaanka iyo xeer ilaalinta

    Arrimahan oo dhan waxay caddeyn u yihiin shaqadii adkeyd ee Faarax soo qabtay muddo kooban oo xilka wasiirnimo ka hayay wasaaradda Cadaaladda, taasoo aan loo saamixin inuu dhameystiro, howlahaasina ay ku hakadeen halkii uu Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir uga tegay.


    WAA KUMA FAARAX SHEEKH C/QAADIR?

    Faarax Sheekh Cabdulqaadir  wuxuu ku dhashay Magaaladda Beledwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan 21-10 -1966.

    Aqoonta: wuxuu ka qalin jebiyay jaamacada caalamiga ah ee Islamabad (International Islamic University, Islamabad) isagoo bartay Qaanuunka iyo Sharciga islaamka.

    Khibirdaha Shaqada:

    2007 – 2011, Kuwait: Lataliye Sare: Direct Aid: oo ah hay’ad kulmiso, Hay’addo gargaar, iyo waxbarasho oo ka kooban iskuulo iyo jaamacado ku yaalo dalaka afrika isagoo xafiisyo badan ka furay, wadamada kenya, Tanzania, Gambia, Zanzibar iyo waddamo kale oo badan

    Sidoo kale wuxuu noqday u qaabilsanaha wakaaladda muslimiinta afrika dalka Soomaaliya (African Muslims agency – AMA) oo dalka ka hirgelisay 1992 ilaa 2000 iskuulo badan laga furo goboladda dalka.

    Wuxuu noqday guddoomiye ku xigeenka Daladdda waxbarashada  FPENS oo ah dalad ay ku bahooben dallada ugu weyn dalka oo adeegyada waxbarashada, deeqo waxbarsho oo arday badan ka faa’iiden xilliyadii burburka iyo ilaa iminka.

    2012 – Wuxuu noqday Xildhibaan ka tisan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    2012 – 2013: Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyadda ee  Dowladda Federalka ee Soomaaliya Soomaaliya

    2014 – 2015: Wasiirka Caddaaladda iyo Arimaha Dastuurka ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya Soomaaliya.

    2016: Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

    Luqadaha uu ku hadlo: Soomaali, Carabi, English, iyo Kiswahili.

     

    Doorashada 2016 Faarax Sheekh C/qaadir Guddoonka Baarlamaanka Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaamulka Ahlu Suna oo Dhuusamareeb ku caleemo saaray Baarlamaan cusub & Guddoomiye
    Next Article XOG: Shariif Xasan oo Dagaal siyaasadeedkii ugu weynaa ku bilaabay Musharax Xasan Sheekh & Beeshiisa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo