Guddoomiya ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa maanta ku dhawaaqay hadal dood cusub dhaliyey , kadib markii uu sheegtay inuu yahay Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka.
C/weli Ibraahim Muudey oo aan arrimaha sharciga ku wanaagsaneyn ayaa xilka uu sheegtay waxaa durba waxba kama jiraan ku tilmaamay xildhibaanno iyo sharci-yaqaano ku dooday in Guddooomiye ku xigeenka koowaad aanu ahayn Ku-sime, iyadoo uu sharci ahaan dalka ku sugan yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Guddoomiye Jawaari ayaa hore u sheegay in wax iska dhimay awooddiisa aanay jirin marka laga reebo inuusan guddoomin karin fadhiga looga doodayo mooshinka isaga laga keenay, waxayna arrintan qeyb ka tahay olole uu qeyb ka yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey oo la doonayo in culeys lagu saaro guddoomiye Jawaari.
Qodobka 9-aad Faqradiisa 5-aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka ayaa u qoran sida soo socota:
5. Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa lamarayaa talaabooyinkan soo socda:
a) Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi.