Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Haddii ‘Deni’ u tartamayo madaxnimada Somaliya waa inuu sheegaa xilkana wareejiyaa (Qormo)

    Haddii ‘Deni’ u tartamayo madaxnimada Somaliya waa inuu sheegaa xilkana wareejiyaa (Qormo)

    March 19, 2022Updated:March 19, 20222 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Puntland oo bandhigay wixii ka dhacay Doorashadii Dadbaneyd ee Puntland, soona jeediyay tallooyin xasaasi ah

    W/Q: Guled Salah

    Bismillaah.

    Doorashadii xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalayay Puntland way soo idlaalatay iyada oo ay ku xeeranyihiin tabashooyin badan. Waxa iiga baxay iyo talooyin kooban ayaan qodobada hoose kusoo koobay:

    1. Doorashadu uma qabsoomin si furan oo hufan, kursi walba bannaanka hoolka doorashada ayaa lagusoo xulay iyadoo aan la ogolaan in lala tartamo qofka la xushay.

    2. Doorashadu muddadii ay socotay waxay dawladdu ku bixisay malaayiin doollar iyada oo ay Puntland ka jirto abaaro ba’an, sicir barar, adeegyadii arrimaha bulshada oo hooseeya iyo mashaariicdii kaabayaasha dhaqaalaha ee iskutashiga lagu waday oo wada qabyo ah.

    3. Xubnaha labada aqal ee soo baxay eed kuma leh hannaanka lagusoo doortay/xushay, waxaase horyaalla masuuliyad wayn sidii ay dadka Soomaaliyeed ugu adeegi lahaayeen matalaad dhab ahna ugu samaynlahaayeen Puntland. Reer Puntland waxay idin ku qiimayndoonaan sida aad ugu matashaan aqalada aad ka tirsantihiin.

    4. Waxaa dhaawac soo gaaray wadajirkii bulsho maadaama koox kooban faramaroojisteen hannaankii doorasho, si ka baxsan sharciyadda iyo habraacyadii doorashada. Hurgumooyinka ka dhashay doorashada waxay ubaahanyihiin in laga dhayo hogaanka bulshada gaar ahaan dhaqanka laga hor-istaagay kaalintii ay ku lahaayeen hannaanka iyo aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta mudnaa in ay tartamaan ee laga xirtay.

    5. Masuuliyiinta dawladda ee gacmahoodu ku wasaqoobin boobka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Kuxigeenku waxaa u furan kaalin ay hormuud unoqdaan dhaayidda hurgumooyinkaas ka dhashay doorashada si looga baaqsado inuu sii fido tararka galay wadajirka bulshada.

    6. Masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda Puntland ayaa Madaxweynuhu u xushay inay ka mid noqdaan xubnaaha Baarlamaanka Federaalka, arrintaani waa ugub waxayna umuuqataa in la furfurtay hay’adihii dawlagi ahaa loona ekeysiiyay sallaan lagu fuulo jagooyinka federaalka.

    7. Haddii Madaxweynuhu u tartamayo madaxnimada Soomaaliya waa in uu bulshada sidaas u sheegaa xilkana wareejiyaa si aysan u imaan firaaq dastuuri ah, shaqooyinka dawladuna uga baxaan hakadka haystay muddadii doorashadu socotay. Damaca gaarka ah iyo dawladnimada Puntland kalasaaris ayay u baahantahay.

    8. Bulshada reer Puntland waxay soo mareen xaalado ka adag tan maanta taagan, waxaana looga soo gudbay dulqaad, tanaasul, iskuduubni iyo iskutashi. Tabasho kasta oo jirta waa muhiim in hoggaanka bulshada ee leh dhaqan, culimo, siyaasiyiin, ganacsato iyo aqoonyahanba ay u jiheeyaan bulshada sidii wadajirka iyo xasiloonida loo ilaashan lahaa.

    Wabillaahi Tawfiiq.

    W/Q: Guled Salah
    Guddoomiyihii is-casilay ee Guddiga Doorashooyinka madaxa bannaan ee Puntland

    Puntland Qormo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKaaliyaha Fahad Yaasiin oo waayey Kursigii Xildhibaan ee Beeshiisa (Yaa kusoo baxaya..?)
    Next Article Ruushka oo Gantaalkii ugu horeeyay ee ‘Hypersonic’ ah ku riday dalka Ukraine iyo Qasaaraha..

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo