Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Hal-xiraalaha koowaad ee horyaalla Madaxweyne Farmaajo: Xulashada Wasiirka Koowaad (Faallo)

    Hal-xiraalaha koowaad ee horyaalla Madaxweyne Farmaajo: Xulashada Wasiirka Koowaad (Faallo)

    February 12, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Looma kala harin soo dhoweyntiisa, muujinta jaceylka loo qabo iyo sida dadku guud ahaan u doonayeen inuu isbedel dhaco, siiba inuu madaxweyne noqdo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Damaashaadku wuxuu gaaray “AR FARMAAJO II GEEYA…” soo dhoweyntu waxay gaartay in sarifka Doolarku hoos u dhaco, shilinkii Soomaaliga ahaana u maleeyo inuu helay dowlad dib ula wareegta xanaaneyntiisa, Kalsooniduna waxay mareysaa in ciidan iyo shacab ay is dhex galaan.

    Waxaas oo dhan waa caadi inay dhacaan, maxaa yeelay dadka uu madaxweynaha u noqday Farmaajo waa kuwo ka niyad jabay SIYAASI oo dhan, soona tijaabiyay Hogaamiye kooxeed, Wadaad, Askari iyo rayid oo kulligood ku fashilmay inay dalkan hore u wadaan oo halkii hiraalku ahaa geeyaan.

    Damaashaadyadu ma dhammaan, dadka gudaha toddobaad gudihiis ayay ku daali doonaan, jaaliyaddaha dibadda ayaa kala wareegi doona oo bil iyo ka badan sii wadi doona xaflado iyo soo dhoweynta madaxweynaha la doortay laakiin xaqiiqadu aad ayay uga duwan tahay.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

    Xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya uma sahlana sida loo wada raadinayo, dal xaaladiisu sida Soomaaliya oo kale tahayna laguma hogaamin karo shacbiyad iyo damaashaad qura. Villa Somalia waxay liqday rag badan oo iyagoo u hamuun qaba kursigan sii joogi waayay.

    Farmaajo imtixaanka koowaad ee horyaala wuxuu la bilowday intuu musharax ahaa, wuxuuna socon doonaa muddo bil ah oo ka bilaabata markii la dhaariyay, haddii aanu waqti kale u baahan.

    Hal-xiraalaha horyaala madaxweynaha la doortay wuxuu noqon doonaa sidii uu u magacaabi lahaa iyo qofka uu ka dhigi lahaa WASIIRKA KOOWAAD ee xukuumadda Soomaaliya. Waa halka dowladiisu ka toosi doonto ama u dhutin doonto.

    Waa halka ay dowlado badan oo hore ka naafoobeen, waxqabadkooduna u noqday mid lagu hungoobay, waxaa la wada sugayaa go’aanka ugu horeeya ee masiiriga ah oo uu qaadan doono Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo shaqsiga uu u soo xulan doono inuu hogaamiyo waaxda fulinta ee dowladda cusub.

    Musharaxiintu ka yara, beelaha is heysta ee wada doonaya ma aha kuwo la kala sooci karo, waxayna noqon doontaa mid madaxweynaha lagu qiimeyn doono halka ay gaarsiisan tahay qaangaarnimadiisa siyaasadeed iyo miisaankiisa qofnimo.

    Marka aad eegto dhalinyarada ku wareegsan Farmaajo ee khibradoodu aadka u yar tahay waxaad u maleyneysaa in xilkani ka weyn yahay, mar kalena waa lagu doodi karaa inay mudan yihiin in fursad la siiyo meeshii ay la gaartaba.

    Dadka faraha badan ee hor tuban xafiiska madaxweynaha cusub iyo kulamada aan dhammaadka lahayn ee habeen iyo maalin socda waxaa intooda badan lagu doonayaa xilal siyaasadeed, waxayna kuwa u ordaya u badan yihiin kuwii hore u rogay dowladihii isaga danbeeyay dalka ee raadkoodu sii muuqdo.

    FAALLADDA GOOBJOOGE.COM

    Farmaajo Madaxweyne Farmaajo Ra'iisal wasaare
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG CULUS: Ganacsade aan la fileyn & Musharax madaxweyne oo isu soo sharxay xilka Ra’iisal wasaaraha
    Next Article Alshabaab oo weerar culus ku soo qaaday degaano ka tirsan Sh/hoose & Wararkii ugu danbeeyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo