Shirkii ugu dheeraa Madaxda madasha Qaran ee  Muqdisho ka furmay 15-kii bishan Disembar ayaan weli soo idlaan iyadoo mugdi badan hareeyay shirkaasi.
Madaxa qaarkood ayaa qaadacay shirka sida madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoonbe) iyadoo madax kale intii uu shirka socday ay safarro dibadeed uga tageen shirka sida Cumar C/rashiid, C/kariin Guuleed, Shariif Xasan iyo Cali C/llaahi Cosoble.
Qodobadda ugu muhiimsan ee la sugayay in go’aan looga gaaro shirkan oo ay ka mid ahaayeen: Qoondada xubnaha Aqalka sare ee Somaliland iyo Dhameystirka Doorashada iyo xilliga doorashada madaxda cusub ayaan wax heshiis ah laga gaarin, waxaana ku soo biiray go’aan ka gaarista kuraasta la isku heysto ee ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka.
Xogta laga helayo madaxda Madasha ayaa sheegaya in war-murtiyeed la diyaariyay in laga soo saaro shirka daba dheeraaday uu dib u dhac ku yimid muddo 3 jeer ah oo la isku dayay in la shaaciyo kadib markii hal qodob oo ka mida arrimaha horyaala lagu guuleysan waayay in laga heshiiyo.
Doorashada 2016 oo hadda ay caddahay inay gaari doonto sanadka 2017 ayaa laga cabsi qabaa in is jiidjiidka madaxda sare uu keeno inay sii jiitanto Doorashada.
Wadani.com